Hordhac u saabsan Annaga

Ku soo dhawaada mustaqbalka

Mustaqbalka wuxuu samaysmaa maalin walba. Wuxuuna u samaysmaa hab si joogta ah u socda kaasoo dhammaanteen siyaabo kala duwan uga qayb qaadano. Wuxuu ku abuurmaa mustaqbalku nololmaalmeedka dadyowga, ururada samafalka, shirkadaha gaarka ah iyo hawlaha & go’aanada siyaasadeed.

Dalkan iswiidhan ayaa dhammaan dadkoo idil waxay xaq u leeyihiin iney go’aan ka gaaraan jidka ay noloshoodu qaadeyso. Waxaynu nahay waddan furan oo xor ah, waxaynuna aamminsanahay dimoqraadiyadda iyo sinaanta. Waynu isku kalsoonahay waxaana amminsanahay hay’adaheena dawliga ah. Nadaamka barwaaqasooranka wadajirka ee ku dhisan daryeel iyo nabadgelyo wuxuu na siiyaa amniga nololmaalmeedka iyo gargaarka marka wax naga qaldamaan. Iswiidhan waa dalka ugu wanaagsan in la dego oo lagu noolaado.

Islamarkaana waxaa ina horyaalla daandaansiga mustaqbalka. Iswiidhan waxay dal wanaagsan u tahay dad badan laakiinse uma ahan dhammaan dadkoo dhan. Sidee beynu u yareynaa dibad ka jooga bulshadda iyo sidee beynu u adkeynaa wadajirka iyo isku xirnaanta ee isku haya iswiidhan?

Maxay u baahan tahay si loo kordhiyo ka mid noqoshada mujtamaca iyo sidee beynu si wanaagsan uga faa’iideysan karnaa awood xirfadeeda ku jirta dhammaan dadka deggan dalkeena? Sideynu u aragnaa iney iswiidhan oo dhan ay jirto oo noolaato xitaa 2050 dabadeed?

Waxaynu bilownaa inaan shaqeyno waqti dambe ee nolosheena, waxaynuna ku raagnaa nolosha hawlgabnimada. Sidee beynu uga soo bixi karnaa nadaamka ku nolaanshaha daryeel iyo nabadgelyo marka dad yar ay tahay iney bixiyaan masaariifta dad badan?  Sidee baanuna ku sii wadi karnaa ineynu maareyno dhinacyada dambe ee caalamayiyeynta dunida iyo inaan awoodno inaan hubinno kobcid cagaaran ee raagta?

Su’aalahani waxay qeexayaan in dadaalo waaweyn laga rabo Iswiidhan marka laga hadlayo waxyaabo ay ka mid yihiin horukaca dimoqraadiyadda, isdhexgalka, sinaanta iyo ka mid noqoshada mujtamaca, dadaalka loogu jiro kobcid raagta iyo mowduucyada ku saabsan caddaalada iyo wadajirka bulshadda.

Si loo waajaho daandaansiga bulshadda ee mustaqbalka ayaa waxaa udubdhexaad u ah in daandaansigaa mid ahaan iyo waxyaabaha keenaba la ogaado oo la caddeeyo lana baadho. Waxaa kaloo muhiim ah in daandaansiga bulsho looga hadlo si wadahadallo ballaaran oo codad badan oo kala duwan lagu maqlayo.

Si Iswiidhan ay awood ugu yeelato iney waajahdo daandaansiga mustaqbalka ayaa waxey magacaawday guddiga mustaqbalka.

Guddiga mustaqbalka waxaa hoggaamiya ra’iisalwasaaraha, wuxuuna ka kooban yahay hoggaamiyeyaasha xisbiga dawladda iyo sagaal qof oo leh aragtiyo kala duwan kakalana socda qaybo kala duwan ee bulshadda iswiidhishka. Akhri warbixino ku saabsan Xubnaha guddiga mustaqbalka (Framtidskommissionens medlemmar).

Guddiga mustaqbalka waxuu leeyahay xoghaye oo taageere u ah laakiinse ra’yiyadaada iyo talooyinkaaga ku saabsan mustaqbalka waa la soo dhaweynayaa.

Natiijada hawlaha guddiga mustaqbalka waxaa lagu soo bandhigayaa qoraallo warbixin inta lagu jiro xilliga gu’ga ee sanadka 2013.

Akhriso warbixino dheeraad ah ee ku saabsan  afarta baaritaan mustaqbala ee guddigu ay qabtaan (af iswiidhish).